Dhagayso: Shacabka Soomaaliyed ee Galmudug kasoo naqraacay oo Puntland & shacabkeeda u mahadceliyey socsadayna taageero

30 June 2017 (Puntlandes) Shacabka Soomaaliyed ee Galmudug abaarta ka jirta darteen usoo naqraacay Puntland ayaa waxay u mahadceliyeen dawlada & shacabka Puntland sida walaaltinimada ah ee ay usoo dhaweeyeen.

34

Dadkii deegaanka ayaa soo dhawayn wanaagsan u samayey dadka iyagoo biyo iyo baadba la garab istaagay reer guuraagii ka yimid Koonfurta gobolka Mudug iyo Galgaduud.

Meelihii ay u hayaameed dadkaas reer Guuraaga ah ayaa iminka waxaa ka jira Biyo yaraan waxayna dalbanayaan in laga taageero dhankaas.

Dadkan Reer guuraga ah ayaa dawlada Puntland,Maamulka Galmudug iyo dawlada federalka Soomaaliya ugu baaqay inay gacan deg deg ah soo gaarsiiyaan dadkan oo biyuhu ugu horeeyaan waxaana sidoo kale ay xuseen inaysan dadkaasi Gadiid u dhaamiya Biyaha aysan waddan ayna gurmadka ka sugayaan Maamulada dalka ka jira.

Wafdi Culimo ah oo horkacayo gudoomiyaha deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug Fu,aad Yaasiin Maxamed oo socdaal ku tagay meelaha lagu dajinayo Xoolaha iyo deegaanaadaasi ayey halkaasi ka bilaabeen wacyigalin ku saabsan sidii dadkaasi gurmad loogu samayn lahaa isla markaana loogu soo dhawayn lahaa deegaanada ay yimadeen.

Qaar kamid ah Culimada ayaa goobtaasi ka wareejiyey Biyo ay ugu talagaleen dadka reer guuraaga ah ee ka yimid Koonfurta Soomaaliya iyagoo ugu deeqay 150 Fuusto oo biyo ah ay u gadeen waxaana ay shegeen inay ugu tala galeen Reer guuraga ka yimid deegaanada Galmudug.

Dhagayso reer guuragaas


Puntlandes.com

About The Author