Kulan ay yeesheen Bahda Sportiga oo Gaalkacyo ka dhacay (Warbixin+Sawirro)

Kulan ay soo qaban qaabiyee, khuburo iyo macalimiin Bahda Sportiga Gobolka Mudug, ayaa ka dhacay Hotelka UUNLAAYE ee magaaladda Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana looga hadlayey, hor marka gobolkaas iyo ciyaarihiinsa.

Khuburada ayaa kulan kaan ku casumay Kooxaha heerka koowaad ee Magaaladda Gaalkacyo, waxaana laga wada hadlayey Hormarka Sportiga gobolka Mudug.

Gaba gabadii kulanka ayaa laga soosaaray Qodobo muhiim ah, waxaana ka mid ahaa.

  1. In La sameyo Gudi ka shaqeeya Hormarinta Sportiga gobolka Mudug.
  2. Kulanku waxaa uu taageray, dacwadda kadhan ah, wasaaradda iyo Xiriirka Puntland oo ay gudbiyeen, kooxihii heerka Koowaad uga qayb galay gobolka.
  3. in lasii wado koobkii kooxaha Heerka Labaad (0B), oo kahaday.
  4. In dib loo bilaabo Ciyaariihii Saaxibnimo ee kooxaha Heerka Koowaad oo malainkasta Kadhici jiray Garoonka Cawaale ee Magaalda Gaalkacyo, Lagana Bilaabo.
  5. In siwada jir la isaga qabto, cidkasta oo ka hortimaada Hormarka darajo kasta oo ayleedahay.
  6. Waxaa Kulanka Baaq looga diray, dhamaan inta danaysa Hormarka sportiga, darajo kasta oo ay leeyihiin, si ay uga qayb qaataan hormarka Gobolka.

Kulankaan oo ay khuburo badani kasoo jeedisa talooyin Wax ku ool ah, ayaa ugu danbayntii waxaa lagu soo Gaba gabeeyey, in hal jaho lawada aado, loona kaco sidii horumar loosamayn lahaa, iyada oo aan lasugin Wasaarad iyo Xiriir Toona.

Sawirro

IMG_5403 IMG_5405 IMG_5410 IMG_5411 IMG_5412 IMG_5422 IMG_5429 IMG_5451 IMG_5461 IMG_5465 IMG_5477 IMG_5479 IMG_5480

About The Author