Dhagayso: Maxaad kala socotaa Dakhila soo gala Galmudug, Mushahaarna ma qaataan wasiirada, Xildhibaanada, Ciidamada & Shaqaalaha maamulkaasi?

16 July 2017 (Puntlandes) Madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) oo wax laga waydiiyey Dakhila soo gala maamulka Galmudug iyo inay Mushahaarna qaataan wasiirada, Xildhibaanada, Ciidamada & Shaqaalaha maamulkaasi ayaa sheegay inuusan jirin dhaqaale toos ah oo soo gala maamulka Galmudug iyo mushahaar ay bixiyaan.
29a
Carabey ayaa yiri “runtii waa dhibka ugu daran ee na haysta, saad la socoto Galmudug waxay ku taalaa dhul Foore ah, dawladihii hoe ee dalka jirayna waxba badan deegaanadaas kama qaban… dhaqaale hada nasoo gala oo toos ah ma jiro dhaqaalaha aan wax ku wadno waa wax yar yar oo Kontaroolada Jidadka yaala aanu ku wadno iyo lacag 150000 dollar oo DFS baget ahaan noo siiso oo runtii aan waxba ahayn”

Madaxweyne Carabey oo ka hadlay in maamulka Galmudug Mushahaar bixiyo ayaa yiri ”runtii Askarta Galmudug Mushahaar la taaban karo ma qaataan, waana waxyaalaha keenay amni la’aanta, Xildhibaandu sidoo kale mushahaar ma qaataan waana waxyaalaha dhibta buuqa iyo qaylada keena, wasiiradu sidoo kale.”

Maamulka Galmudug ayaa wuxuu ka kooban yahay galobolka Galgaduud iyo koonfurta gobolka Mudug, deegaano badan oo ka mid ahna waxaa gacanta ku haysa kooxda Alshabaab.

Dhagayso Madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey)


Puntlandes.com

About The Author