Baarlamaanka Puntland oo Kalsoonida kala laabtay Golaha Xukuumadda

18 July 2017 (Puntlandes) Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa kalsoonida kala laabtay Xukumadda Puntland ka dib markii ay maanta codka Kalsoonida u qaadeen.

7

Fadhiga oo ay soo xaadireen 57 Xildhibaan uuna shir gudoominayey gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa waxaa la horkeenay mooshin ay ku saxiix naayeen in ka badan 40 xildhibaan.

Gudoomiye Axmed Cali Xaashi oo furay kulanka ayaa ka codsaday xildhibaanada inay si waadax ah codka kalsoonida ugu qaadaan xukuumadda, waxaana codka kalsoonida kala laabtay 47 mudane, waxaana ka aamusey 9 xildhibaan halka hal xildhibaana uu diidey.

 

Puntlandes.com

About The Author