Daawo Video: Madaxweyne Gaas oo soo dhaweeyey go,aankii Baarlamanka Puntland ku riday golaha Wasiirada

18 July 2017 (Puntlandes): Madaxweyneaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo saxaafadda kula hadlay madaxtooyadda Puntland ayaa soo dhaweeyey go,aankii Baarlamanka Puntland uu kalsoonida ugala noqday maanta oo ay taarikkhdu tahay 18ka july 2017 golaha Wasiirada Puntland.

36b

Madaxweynaha ayaa yiri “sida aad la wada socotaan waxaa maanta oo ay taarikkhdu tahay 18ka july 2017 ay Golaha Baarlamaanka Puntland kala noqdeen Xasaanadii Golaha Xukuumadda dawladda Puntland, taasoo ah arin Dastuuri ah oo Waajibaadkooda shaqo ka mid ah, taasi waxay i faraysaa madaxweyne ahaan inaan golaha Xukuumadda kusoo dhiso mudada uu ii ogol yahay Dastuurkuanigoo la tashanaya madaxweyne kuxigeenka..”

Daawo shirkii jaraa’id ee madaxweyne Dr Gaas


Puntlandes.com

About The Author