Akhriso Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Ku Tilmaamay Go’aanka Ay Qateen Golaha Wakiiladda Puntland Mid Dastuuriya

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 18 July 2017 ka hadlay go’aan ay isla maanta golaha wakiiladda Puntland xasaanadda kala laabteen golaha wasiiradda dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kahadlaya kala laabashada xasaanadda golaha wasiiradda Dawladda Puntland ayaa ku tilmaamay talaabada ay qadeen maanta golaha wakiiladda Puntland mid dastuuriya oo waajibaad kooda shaqo la taxaluqda.

”Sida aad lawada socotaan waxaa ay maanta oo taariikhdu tahay Talaado 18 July ,2017, ay golaha baarlamaanka Puntland kala noqdeen xasaanadii golaha Xukuumadda Dowladda Puntland , taasi oo ah arrin Dastuuri ah oo waajibaad-kooda shaqo ah” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa xaqiijiyey inuu golihiisa Wasiiradda kusoo dhisidoono muddada uu ogolaanayo dastuurku, isla markaa  waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inuu la tashan doono Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey.

”Taasi waxay i faraysa Madaxweyne ahaan in aan Golaha Xukuumadda kusoo dhiso, muddada uu ii ogolyahay Dastuurku, anigoo la tashanaya Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland uuna qabo Dastuurka Puntland.” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Puntland inay la shaqeeyaan laamaha amniga ee sugaya amnigooda, isla mar’ahaantaana ay taageeraan horumarka baaxada leh ee dhinacwalba ah ee ka socda degaanada Puntland.

”Sidoo kale waxaan ugu baaqaya Shacabka Puntland in ay ka qeyb-qaataan amniga dalka lana shaqeeyaan laamaha amniga, isla markaana taageeraan horumarka baaxada leh ee ka socda Puntland.” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey ciidamada qalabka sida ee dawladda Puntland in ay xoojiyaan amniga iyo xasiloonida dalka, isla markaana ay ka feejignaadaan dhagaraha ay maleegayaan sharwadayaashu

”Ugu dambeyntii waxaan Ku boorinaya ciidamada qalabka sida ee Puntland, in ay xoojiyaan amniga iyo xasiloonida dalka, isla markaasna ka feejignaadaan dhagaraha ay maleegayaan sharwadayaashu, aad iyo aad ayaa u mahadsantihiin” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

==DHAMMAAD==

36e
36c
Puntlandes.com

About The Author