Akhriso Agaasimaha Guud ee W. Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo shaqadii laga cayriyey Xaggee ayuu kasoo jeeda maxayse tahay sababtu?

23 July 2017 (Puntlandes) Waxaa Warbaahinta Puntlandes soo gaaray qoraal ku taariikhaysan 18kii July 2017, kaasoo wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada mudane Cabdishakur Xasan uu shaqada uga cayriyey Agaasihii Guud ee wasaaradaas mudane Axmed Xaaji Cabdi (Daljir) oo kasoo jeeda Jubaland.

41b

Mudane Daljir ayaa waxa uu kasoo jeeda Jubaland, waxaana waqtiyadii dambe uu Raysul Wasaare muadane Xasan Cali Khayre bartilmeedsanayey mas’uuliyiinta kasoo jeeda Jubaland iyo Puntland, waxaana shaqada looga cayriyey amar kasoo baxay Raysul Wasaare Khayre.

Sababna shaqada looga eryey Agaasime Daljir ayaa waxa lagu sheegay inuu qaadan waayey talooyin badan oo loo soo jeediyey iyo inuu curyaamiyey shaqada wasaaradda.

Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay warbaahinta Puntlandes ahaa ah in shaqada looga eryey mas’uulka kadib markuu diiday inuu ka amar qaato Shirkaddaha kala ah HORMUUD iyo DALKOM oo leh xariga badda hoosteeda mara oo maalin dhawayd go’ay, taasoo uu ku amray Raysul Wasaare Khayre.

Waxaa laga yaabo ah in mudane Daljir lagu bedelay Cabdiraxmaan Macalin Cadow oo ay qaraabo dhow yihiin Raysul wasaare Khayre.

Xukuumada uu hogaamiyo RW Khayre waxay iminka maraysaa heer ay lumiso kalsoonida shacabkii Soomaaliyeed ee taageerada ballaran u muujiyey waana nasiib daro inay waqti ka lumiso ummadda Soomaaliyeed.

Hoos ka akhriso qoraalo arimahii u dambeeyey ee hogaanka RW Khayre:

Dawladnimadii Somalia oo uu RW Khayre god dheer ku riday kadib markii uu amray wasiiru Dawlaha wasaaradda A. G. & F inuu buriyo Wasiir Juxa shaqadii uu ka joojiyey Xoghayihi joogtada ahaa ee Wasaaraddaas

RW Khayre oo DFS ku hogaaminayaa wadadii bur-burka & kala tagga, Wasiir kuxeenka A. G. & F oo isna la amray inuu buriyo Wasiir Juxa shaqadii uu ka joojiyey Xoghayihi joogtada ahaa ee Wasaaraddaas

 

Akhriso qoraalka

17b3

17b4

Puntlandes.com

About The Author