Golaha Wakiillada Puntland oo Maanta Ansixiyey Xisaab Xirka Sanadka 2016

25 July 2017 (Puntlandes)Maanta oo ay Taariikhdu tahay 25 July 2017 kalfadhiga 39aad fadhigiisii 14  aad oo uu shir gudoominayey guddoomiyaha golaha wakkiillada Mudane Axmed Cali Xaashi, oo ay soo xaadireen Mudanayaal tiradoodu gaareyso 46 mudane ayaa waxaa lagu ansixiyey Xisaab Xirka Sanadka 2016.

7

Fadhiga maanta ayaa waxaa Warbxin Laga dhegaystay Guddiga dhaqaalaha, kadibna xildhibanada ayaa waxaa ay ka yeesheen Dood aad u kulul .

Geba Gebadii Doodaas waxaa kasoo baxay Saddex Qodob oo kala ahaa sidan .

  1. in La Ansxiyo Xisaab Xirka 2016 Lana Raaciyo Go’aanka Golaha, ku dhaqanka Miisaaniyada Lana madax baneeyo xisaabiyaha Guud ee DPLN , Lana Mariyo Sida Dastuurku Qabo.
  2. In Dib U Eeegis Lagu sameeyo Shuruucda iyo Nidamka  Maaliayadeed ee Dalka Lana Kala Saaro Hay’adaha Dakhliga iyo Kuwa Kharash Bixinta .
  3. In La Bixiyo Xuquuuda Mushaar ee ka maqan Ciidamada iyo  Shaqaalaha dowlada Eee Ka Muuqda Xisaab Xirka Sanadka  2016.

Intaaas kadib waxa La qaadey codeyn, taasoo u dhacdey sidan:

37 mudane waxay  U Codeyeen  haa

2 mudanae way diideen

2 mudane way ka aamuseen

Puntlandes.com

About The Author