Dhismihii Madaxtooyadda Gaalkacyo oo la bilaabay

25 July 2017 (Puntlandes) Dawladda Puntland ee uu hogaamiyo madaxweyne Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxay shirkaddii dhisi lahayd Madaxtooyadda Gaalkacyo ku wareejisay lacag dhan 500.000 doollar (nus malyan doollar) oo lagu dhisayo.

20a6

Dhismaha Madaxtooyadda Gaalkacyo laga dhisayo iminka ayaa ah Xafiisyadii lagu shaqayn lahaa iyo Guriggii Martida.

Madaxtooyada Gaalkacyo oo laga dhisayo meel Istaratiiji ah oo ah bartamaha magaalada ayaa waxaana ku baxaya aduun lacag ah oo gaaraya 500.000 doollar.

Dawladda Dr Gaas ayaa dadaal xoogan gelisay sidii Puntland dhan walba looga horumarin lahaa, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha.

Puntlandes.com

About The Author