Sawirro-Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Abaalmarino Gudoonsiiyey 10kii Arday ee Puntland Ugu Saraysay

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ayaa magaalada Garoowe kaga qaybgalay munaasabad wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ay abaalmarin ku gudoon siineysey 10kii arday ee sanadkaan ugu sareeyey imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Abshir Aw-Yusuuf Ciise oo ka warbixiyay dadaalka ay sameeyeen ardeyda la abaalmariyay ayaa xusay inay wasaaradiisu mar kasta ku dhiiri galinayso firfircoonidooda, wuxuuna ku amaanay waalidiinta iyo macalimiinta ardeydaan sidey usoo barbaariyeen.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camay) oo dhankiisa ka hadlay munaasabada ayaa sheegay inay tahay maanta oo kale wax lagu faano, isagoona ardeyda uga mahadceliyay dadaalkooda iyo kaalmaha ay soo kala istaageen.

Wuxuu intaas ku darey Eng Camay inay ka go’antahay dhiiri galinta waxbarashada, isagoo mahadu celiyey iskuulada 10 arday ka baxeen,Iyadoona ka dib abaal marinta si wada jir ah ay u gudoonsiiyeen 10-kii Ardey Madaxweyne kuxigeenka iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Puntland.

Ardeyga kaalinta 1aad ka galay Imtixaamka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka dugsiga sarre waxaa lagu magacaabaa Cabdulaahi Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf waxaa la gudoonsiiyay gaari nooca raaxadda ah , Sidoo kale labada ardey ee ku xigta kaalmaha labaad iyo saddexaad waxaa la gudoonsiiyay lacag dhan $ 1,000  (Midkiiba Kun Dollar).

Sidoo kale Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Puntland ayaa abaal marin lagu dhiirigalinayo siisay maamulayaasha 10-ka iskuul ee ay wax ka baranayeen ardeyda ugu sareysay Imtixaamka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka Puntland.

 

Puntlandes.com

About The Author