Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

26 July 2017 (Puntlandes) Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray 164 Xildhibaan, waxaana shir guddoominaayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

6a

Xildhibaanada ayaa laga hor aqriyay soo jeedino Mooshin ah oo kala ahaa:

1. Soo jeedinta mooshin ku saabsanaa dhismaha Golaha Adeega Garsoorka.

Soo jeedinta mooshinka ayaa waxaa ku saxiixnaa 60 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Xildhibaan C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa Xildhibaanada ka hor aqriyay soo jeedinta.

Mooshinka ayaa waxaa ku qornaa in wasiirka cadaaladda xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji uu maalinta sabtida hor yimaado baarlamaanka si warbixin tifaftiran ugu bixiyo qodobada ay Xildhibaanada soo jeediyeen.

2. Soo jeedinta mooshin ku saabsan u yeerida Wasiirka Wasaarada Dastuurka Xukuumada Soomaaliya Mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Soo jeedinta mooshinka ayaa waxaa ku saxiixnaa 10 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Mooshinka ayaa waxaa ku qornaa in wasiirka arrimaha dastuurka uu hor yimaado baarlamaanka si su’aalo loogu weydiiyo ka hor imaashihiisa go’aanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee qaraarka sugidda Xilheynta Xubnaha Golaha Shacabka iyo buuxinta kuraasta golaha ka banaanaata.

Xildhibaan C/fitaax Ismaaciil Daahir ayaa Mudanayaasha baarlamaanka ka hor aqriyay soo jeedintooda mooshinka ah ee loogu yeerayo wasiirka dastuurka.

Labada soo jeedin ka dib ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa soo jeediyay in Maalinta sabtida loo yeero oo uu Golaha Shacabka hor yimaado wasiirka cadaaladda xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji.

Sidoo kale Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in maalinta Axada uu Golaha Shacabka hor imaanayo Wasiirka Wasaarada Dastuurka Xukuumada Soomaaliya Mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Intaas ka dib Xildhibaanada ayaa guda galay dhageysiga warbixinta Guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim “ Xaliimo Yareey “ iyo xubnihii la socday ayaa Xildhibaanada warbixin ka siiyay howlaha u qabsoomay Guddiga iyo halka ay wax marayaan.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa loo qeybiyay bugaag iyo document-yo kale oo ay soo diyaariyeen Guddiga kuwaasi oo ay ku qornaayeen howlaha guddiga, halka ay wax marayaan iyo qorshayaasha u diyaarsan guddiga.

Guddoomiye Xaliimo yarey ayaa Xildhibaanada iyo Guddoonka ka dalbaday in guddigeeda si hagar la’aan ah loola shaqeeyo si loogu guuleysto fulinta qorshayaasha horyaalla Guddiga.

Ugu dambeyn Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay Natiijadii ka soo baxday kulankii dhageysiga dadweyne ee Miisaaniyadda dalka 2017 oo ay Muqdisho ku qabteen Guddiga Miisaaniyada iyo qorsheynta ee Baarlamaanka.

Xafiiska Warfaafinta ee Golaha Shacabka BJFS.

About The Author