Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Kulan Kula yeeshay Madaxa Xafiiska Hay’adda SSF Ee Bariga & Badhtamaha Africa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 30 July 2017 ku qaabilay qasriga Madaxtooyada Garoowe wefti uu hogaaminayo Madaxa xafiiska hay’adda SSF ee bariga iyo badhtaha qaaradda Africa Mr. Gareth O’ Hagan.

Kulan kani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, waxaana kulanka looga hadlay arrimo la xidhiidha mashaariida horumarineed ee ay hay’addu ka fuliso guud ahaan degaanadda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn xafiiskiisa kusoo dhoweeyey weftigani, waxaana uu Madaxweynuhu ku bogaadiyey hawl-wadeenada hay’addani mashariicaha wax tarka leh ee ay ka hirgeliyaan Puntland ha ahaadeen kuwo hore loo qabtay iyo kuwo hadda socdaba eh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay mashaariicdaasi ka mid yihiin qoddaalka ceel -biyoodyo (riiggag), samaynta jidad laamiya iyo taakulayn dhanka ciidamadda Booliska Puntland oo ay ka caawiyaan dhinacyo baddan, waxaana uu Madaxweynuhu ku booriyey dhammaan shaqaalaha hay’adda inay dar-dargeliyaan mashaariicdasi, isla markaana ay ku dedaalaan sidii ay u qabsoomi-lahaayeen una hirgeli lahaayeen.

Dhanaca kale Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa dhankiisa shaqaalaha hay’adda SSF uga warbixiyey muhiimadda ay leeyihiin mashaariicdaasi ay ka fuliyaan Puntland, waxaana uu xaqiijiyey Madaxweyne ku xigeenku inay salka ku hayaan dhammaan mashaariicdaasi kuwo horumarineed oo saamayn togan ku yeelan kara arrimaha bulshada.

Sidoo kale Madaxweyne Camey ayaa ku booriyey shaqaalaha hay’addani inay dar-dar geliyaan shaqooyinka loo igmaday inay fuliyaan, isla markaana ay isku taxalujiyaan siidii ay u qabsoomi lahaayeen mashaariicdaasi, sida qorshuhu yahay ka sokow amar Alle ‘’SWC’’.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Puntland ugu baaqay in la ilaaliyo xasiloonidda, nidaamka iyo kala danbaynta, isla markaana laga wadda shaqeeyo wax kasta oo wax tar u leh horumarka shacabka iyo dawladda Puntlandba.
IMG_4466

IMG_4468

IMG_4475
Puntlandes.com

About The Author