XOG: Xoosh oo Xilka ku waynaya is muujin Xildhibaanada DFS ay isku muujinayaan dawladda Farmaajo

?????????????

31 July 2017 (Puntlandes) Xog ay heshay warbaahinta Puntlandes ayaa tilmaamaysa in Wasiirka Dastuurka DFS mudane Cabdiraxmaan Xoosh uu waydoono XilkaWasiirnimo dhawaan,  iyagoo Xildhibaanada Baarlaamanka DFS ay doonayaan inay isku muujinaan xil ka qaadistiisa.

?????????????
?????????????

Xogta ayaa sheegaysa in Gudoonka Baarlaamanku uu taageersan yahay in xilka laga qaado Xoosh

Xildhibanada ayaa caradi ay dowladda u qabeen kula dhacaya Wasiirka, si ay FARIIN ugu diraan dawladda uu madaxweynaha ka yahay mudane Maxamed cabdulaahi Farmaajo.

Dowladda Farmaajo ayaa waxaa u caado ah inay xildhibaanada awooddooda hoos u dhigto, iyaguna inay is muujiyaan bay rabaan, arintanina waa loolan cusub oo dowladda iyo xildhibanada u dhaxeeya.

Haddii Xoosh xilka laga tuuro waa fariin cad oo dowladda ay xildhibaanadu u dirayaan inay awood leeyhiin oo ay dowladdu u baahan tahay inay xildhibaanada ka talo qaadato, meesha ay dowladdu ku celcelinayso waxaa nasoo doortay shacab.

Xildhibaanadu waxay aaminsan yihiin inay iyagu shacabka matalaan oo aan dowladdu been isku maaweelin.

Puntlandes.com

About The Author