Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Kormeeray Garoonka Diyaaraha Garoowe oo Dhismihiisu heer Gebogebo ah Marayo

Madaxwyenaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 31 July 2017 soo kormeeray gigida diyaaradaha Garoowe oo dhismihiisu gebogebo marayo.

Kormeerkan ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawadda ee Dawlada Puntland iyo ku xigeenkiisa, masuuliyiin isugu jirey Wariiro iyo xildhibaano, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyanaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn soo kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, isagoona Madaxweynuhu dul istaagay qiimeeyeyna meel kasta oo shaqo ka socotey garoonka dhexdiisa, waxaana uu Madaxweynuhu ka xogwaraystay shaqaalaha ka shaqaynaayey dhismaha garoonka sida ay shaqadu u socoto.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku amaanay masuuliyiinta Wasaaradda Duulista iyo Hawadda ee dawladda Puntland sida wanaagsan ee ay uga soo baxeen shaqada loo igmaday, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xaqiijiyey in tayo ahan iyo bilic ahaanba garoonka loo hirgeliyey sidii qorshuhu ahaa.

Dhinaca kale madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa xaqiijiyey in dhismaha garoonku marayo wejigii ugu danbeeyey, isla mar’ahaantaana lasoo afmeeri doono inta hadhay wakhti aan fogeyn Insha Alla.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay hawl-wadeenada gacanta ku haya dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe oo ay ugu horeeyaan madaxda Wasaaraddu inay markasta xasuusnadaan in dhismahani muhiimad gaara u leeyahay kaabayaasha horumarineed ee dawladda Puntland, madaama uu ka qayb qaadanayo horumarka, bilicda, isku xidhka Puntland iyo caalamka intiisa kale, isla markaana u kaalin weyn ka qaadan doono ilaha dhaqaale ee dalka.


 

Puntlandes.com

About The Author