Daawo Video: Biyo Xireenka Meeladeen ee Deg. Iskushuban oo dhismihiisu marayo heer gabogabo ah, horumar kale oo soo kordhay

11 Sept 2017 (Puntlandes) Biyo Xireenka Meeladeen oo ka tirsan deegaanka  Dharoor ee Degmada Iskushuban Gobolka Bari ayaa waxa uu marayaa heer gabogabo ah.

Biyo Xireenkan ayaa waxa uu ka mid yahay 4 Biyo xireen oo ay dhawaan ka bilowday Puntland Wasaarada Deegaanka, Dalxiiska iyo Duurjoogta,.

Madax ka socota maamulka Degmada iyo Wasaarada ayaa booqasho u kuurgelid ah ku tagay Dhismaha Biyo Xireenka oo meel gabo gabo ah maraya.

11

Biyo Xireenkan ayaa ku yaal meel dhul Beereed ah, waxaana ay dawladdu ugu talogashay in dhinaca wax soosaarka Beeraha looga faa’iidaysto, iyadoo ay dhanka kalena ka faa’iidaysanayaan reer Guuraaga iyo Duurjoogta.

Xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay madaxweyne Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Puntland ugu horaysay xukuumad ka hirgelisa Biyo Xireeno iyadoo ay shacabka reer Puntland u qabeen baahi aad u wayn. Waxaa Biyo Xireenada looga faa’iidaysan lahaa xagga Wax soo waarka Beeraha oo dhulka Puntland uu aad ugu fiican yahay laakiin u baahan in biyo loo helo waxaana taas ku guulaysatay Xukuumadda Dr Gaas meesha xukuumadihii hore aysanba isku dayin.

Dhanka kale waxa xusid mudan in Shaqsiyaadkii dawladda Puntland mas’uuliyiinta usoo noqday inay hada suuqyada iyo baraha bulshada la taagan yihiin waxba lama qaban iyo xukuumadu waa fashilantay… CAJIIB.

Daawo Muuqaalka Biyo Xireenkan oo ah mid aah u wayn si waafi ahna looga faa’iidaysan doono.

Puntlandes.com

About The Author