Aqalka sare oo dib udhigay doodii Qalbi-dhagax

11 Sept 2017 (Puntlandes) Xidlhibaanada Aqalka sare ayaa maanta ku balansanaa inay ka doodaan go’aankii xukuumada ka qaadatay dhiibistii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax.

29a9

Xildhibaanada maanta golaha soo xaadiray waxay tiradoodu ahayd 36 mudane.Xildhibaanada ayaa ku kala qaybsamay in dooda qalbi-dhagax maanta la qabto iyo dib loo dhigo.Qaar kamid ah xildhibaanada ayaa ku dooday in dooda dib loo dhigo si looga warsugo go’aanka golaha shacabka halka qaar kale ay ku doodeen in arinta Qalbi-Dhagax maanta laga doodo.

Gudoonka aqalka sare ayaa cod uqaaday in dooda maanta la qabto iyo in dib loo dhigo waxayna natiijadii noqotay sidan.

21 mudane oo ucodeeyay in dooda dib loo dhigo
11 mudane oo ucodeeyay in dooda maanta la qabto
4 mudane oo ka aamustay.

Xildhibaanada in dib loo dhigo u ololeeyay waxaa kamid ah Cabdiwaaxid Goonjeex iyo Cabdi Axmed Dhuxulow halka xildhibaano ay kamid yihiin Axmed Xaashi iyo Muuse Suudi ay kasoo horjeedeen in dooda dib loo dhigo.

Puntlandes.com

About The Author