Daawo Video-Sawiro: Shir uga furmay Garowe maamulka 7 Degmo oo uu Ka Shaqeeyo Mashruuca JPLG

13 Sept 2017 (Puntlandes) Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland  Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacade) ayaa caasimadda Garoowe ka furay Shir labo maalmood soconaya oo lagaga hadlayo nidaamka xisaabaadka Barnaamijka  JPLG ee  toddobo degmo oo uu ka shaqeeyo mashruucaasi.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiyayaasha toddobo degmo, Madaxda sare ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, Saraakiisha hay’ada caalamiga ah ee ka shaqeeya mashruucan JPLG iyo Shaqaalaha degmooyinka ee dhinac Xisaabaadka.

Maxamed Cali  Nuur Jubba oo ah agaasimaha waaxda qorshaynta ee Wasaaradaha arrimaha gudaha Puntland ayaa ugu horrayn faahfaahin ka bixiyay muhiimadda kullanka,  waxaa uu tilmaamay  in inta uu socdo kullanku dib loogu eegi doono nidaamka xisaabaadka iyo xisaab-celinta mashaaraaciida JPLG iyo sidoo habraacyada loogu talagalay waxqabadka degmooyinka uu ka shaqeeyo mashruuca JPLG, sidoo kalena ay uu aqoon iswaydaarsi dhexmari doono maamulada degmooyinka ka qaybgalaya kullanka, madaxda Wasaaradda iyo saraakiisha hay’adaha ka shaqeeya mashruuca.

Wuxuu sheegay in wasaaradda ay wado qorshe lagu kordhiyo kabka miisaaniyada ee dowladda dhexe ka siiso degmooyinka Puntland dakhliga guud ee dalka, kaasi oo hadda ah 1%, balse hadda la doonayo in laga dhigo 2%.

Saduuqaan waxaa Degmooyinka ka faa’iidaysta loo mariyey lacag gaaraysa 8 milyan oo doolar intii uu jiray Barnaamijkaani sida uu sheegay Maxamed Cabaas oo ka socday JPLG. Wuxuuna kusii daray 500.000 doolar oo dhiganta 5% ay bixiyeen Degmooyinka ka faai’iidaystay halka ay dawladuna bixisay 2 milyan doolar ahna dawladda Puntland ayaa bixisay.

Duqa Caasimadda Garoowe, islamarkaana ah guddoomiyaha ururka ay ku midaysan yihiin degmooyinka Puntland Xasan Goodir ayaa ku tilmaamay mashruuca JPLG midka ugu muhiimsan mashaariicda horumarineed ee dalka lagu fuliyay wixii ka dambeeyay 1991dii.

“ Mashruucan wadnaha ayuu kaga yaal reer Puntland, muhiimad weyn ayuuna u leeyahay bulshadda haday ahaan lahayd dhinac kaabayaasha dhaqaalaha, Amniga, bilicda magaaladda iyo isgaarsiinta, waxaan rajaynayaa in mashruucan lasoo cusboonaysiiyo” ayuu yiri Duqa Caasimadda Xasan Goodir.

Wasiirka arrimahada Gudaha Puntland oo shirka furay ayaa sheegay in mashruucan horumarinta  JPLG uu haatan gabogabo marayo, oo loo baahan yahay in la dardargaliyo nidaamka xisaabcelinta iyo qiimaynta lagu samaynayo waxqabadka mashruuca, Waxa uu tilmaamay in nidaamka xisaabaadka degmooyinka ee mashruucan uu yahay mid aad u sareeya oo sharaf u ah degmooyinka iyo dowladda dhexe labadaba

“madaama mashruuca JPLG uu ku sii dhowyahay dhamaad waxaan guddoomiyayaaha degmooyinka iyo injineerada ku dhiirigalinayaa, inay ku gabagabeeyaan mashaariicda sida ugu haboon, sidoo kale degmooyinka lagu wacyigaliyo qiimaynta mashaariicda sanadkan socota ee JPLG” ayuu yiri Wasiir timacade.

Daawo sawirrada
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18
Puntlandes.com

About The Author