DHAGAYSO: DFS OO KU ADKAYSATAY KA SHAQAYNTA KALA DAADINTA DALKA & KU XADGUDUBKA DASTUURKA

28 Sept 2017 (Puntlandes) Dowladda Somalia ayaa ka hadashay xiisadda kala dhaxeysa maamul-goboleedyada Somaliya ee ka dhalatay arrimaha khaliijka.

30a6

Wasiirka arrimaha dibedda Somalia Yusuf Garaad Cumar oo VOA wareysi siiyay ayaa sheegay in maamul goboleedyada Somalia aysan haysan sharciyad ay dowlado shisheeye heshiis kula galaan, oo howshaasi ay uga danbeeyaan dowladda dhexe.

Yusuf Garaad oo iska indhotiraya qodobada 53aad iyo 54aad ee Dastuurka soomaaliya isna kaabaya ayaa sheegay in dowladda dhexe oo kaliya ay awood u leedahay iyadoo aan raacin qodobadaas.

Waxaa xusid mudan in waxa laga shaqaynayo ay tahay dib u dhiska dawladnimadii iyo dib isugu keenidii Soomaaliya, taasoo qaadanaysa waqti dheer una baahan in la isu dulqaato lagana wado tashado talaabo kasta oo la qaadayo si loo ilaaliyo midnomada iyo wadjirka Soomaaliya.

Wadada ay iminka qaadateen madaxda DFS waa wado bur-bur, waa wado kala tag, mana aha wadadii loo igmaday inay dalka ku hogaamiyaan.

Yusuf Garaad ayaa ku dooday waxa la iswaydiinayaa waa ”yaa is haya” isagoo isku jawaabaya ayuu wuxuu yiri ”waxa is haya madaxweyne dawlad Goboleed oo inta baxay caasimad dal kale booqday….iyo dawlada dhexe”. Runtii waa wax lagu qoslo arintani kuna wada wixii lasoo dhoodhoobayey mudada dheer inay kala daadiyaad madaxdii DFS ee loo igmaday kobcinta iyo isku haynta.

Ysuf ayaa ku GOODIYEY in laga soo gudbay xiligii mas’uul kasta u hadli jiray sidii uu doono.

Ugu dambayntii Yusuf Garaad ayaa la waydiiyey maxaa dawlada u qorshaysan mar haddii maamul Goboleedyadii ay ku eedaynayaan in DFS ka shaqaynayso inay dumiso maamulada kuna hawlan tahay ayaa waxa uu ku jawaabay ”dalkan hal Isteerin ayuu leeyahay, hal hogaamiye ayuu leeyahay in 6 madaxweyne ama 7 madaxweyne Isteerinka isla hayaan ma aha, in nin walba RA’YIGIISA AMA DANIHIISA UU FIIRIYO MA AHAN, een DOORASHAA DHACDAY DOORASHAA DHICI DOONTA TAAS AYAA LAGU KALA BAXAA”

Khuburada odorasta siyaaasadda Soomaaliya oo isha ku haysay ficilada DFs ayaa u sheegay Warbaahinta Puntlandes inay iminka ku hawlan tahay inay madaxtinimada ka tuurto dhamaan madaxda maamul Goboleedyadaayna meesha ka saarto fadaraalkii lagu heshiiyey waana taas Doorashada uu Yusuf Garaad ka dhawaajiyey.

Dhagayso waraysi dheer oo ay VOA la yeelatay Yusuf Garaad


Puntlandes.com

About The Author