Wax ka ogow afarta xildhibaan oo ay Fahad & Khayre usoo xilsaareen burburinta Puntland

04 Sept 2017 (Puntlandes) Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya Fahad Yasin iyo Raysul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa usoo xilsaaray burburinta Puntland afar xildhibaan oo ka tirsn Golaha Shacabka, kuwaas oo kasoo jeeda Puntland.

31e7

Lacag aad u farabadn ayey Fahad iyo Khayre afarta Xildhibaan u dhiibeen sida ay Warbaahinta Puntlandes ku heshay Xog lagu kalsoon yahay, si ay ugu isticmaalaan burburintaas.

Afarta Xildhibaan ee Dulaaliinta u ugu ah Fahad iyo Khayre burburinta Puntland ayaa kala ah:

  1. Xildhibaan Cali Yusuf Cali Xoosh- Beesha Ciise Maxamuud
  2. Xildhibaan C/lahi Bidhaan Warsame- Beesha Dhulbahante
  3. Xildhibaan Cumar Ismaciil Waaberi- Beesha Dashiishe
  4. Xildhibaan Maxamud Xayir Ibraahin- Beesha Cali Saleebaan

 

Cali Xoosh ayaa Caasimada Puntland ee Garowe dhawaan gaaray si uu lacagta loo isticmaalayo burburinta u geeyo halkaas.

Dhanka Puntland ayaa waxa afarta Xildhibaan kala shaqaynaya shan xubnood oo kala ah:

  1. Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi
  2. Guddoomiye ku xigeenka koowaad Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye
  3. Guddoomiye ku xigeenka labaad Cabdixakiim Sheekh Cabdisalaan
  4. Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad

Mas’uuliyiintaan ayaa wada olole balaaran oo ay madaxweynaha ku cadaadinayaan inuu ka baaqdo shirka, iyagoo ku guulaystay inay ka dhaadhiciyaan madaxweyne kuxigeenka Puntland kuna xiraan Fahad iyo Khayre.

Puntlandes.com

About The Author