Madaxweyne kuxigeenka Puntland & kullankii qarsoodiga ahaa ee ka dhacay Garoonka Muqdisho

04 Sept 2017 (Puntlandes)  Madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey oo shalay ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ee Garowe ayaa waxa uu sheegay inuu kasoo horjeedo shirka maamul Goboleedyada ee la filayo inuu Kismayo ka dhaco, isagoo khilaafay madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed cali Gaas.

31e7a

Camey ayaa shalay taransit ku maray Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana halkaas si qarsoodi ah kula kulmay Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya Fahad Yasin iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.

Arinta ay ka wada hadleena waxay ahayd sidii loo baajin lahaa shirka Kismaayo ka dhacaya, ee ay ku kulmayaan madaxda maamul Goboleedyada.

Kullanka qarsoodiga ah ayaa wuxuu dhamaystir u ahaa xiriiro horay uga dhaxeeyey labada dhan, kaas oo ay ku bedeleen mawqifka madaxweyne kuxigeenka ee shirkaas.

Muhiimada ugu wayn ee kullanka ayaa waxaa la saadaalinayey in lagu wareejiyey Camey dhaqaalihii loo adeegsan lahaa arintaan.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa si farsamaysan taransitka ugu soo aadistay Muqdisho, si uu ugu raad gato kullankaas qarsoodiga ah halka uu ka heli kari lahaa Diyaarad toos Nairobi ugu qaada.

Puntlandes.com

About The Author