Sawirro: Madaxweynaha Koofur Galbeed oo si balaaran loogu soo dhaweeyey Kismaayo

06 Okt 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee  Jubbaland.

Wafdiga Shariif Xasan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), xubno kale oo ka tirsan Baralaamka DFS iyo maamulkiisa. Wafdiga ayaa waxaa kamid ah shan senatar oo laga soo doortay KGS iyo xubno kamid ah golaha wasiirada KGS iyo xildhibaano,

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada dalka inay ka soo qeybgalaan shir ay yeelanayaan madaxda dowlad goboleedyada dalka oo lagu wado in uu ka furmo maalinta Axadda ah magaalada Kismaayo.

Shirkan ayaa waxaa si rasmi ah u shaaciyay inay ka soo qeybgalaan Maamul goboleedyada kala ah:

  1. Puntland
  2. KGS
  3. Galmudug 
  4. Hirshabeelle
  5. iyo Jubalan oo marti gelinaysa

Daawo sawirrada

IMG-20171006-WA0025

IMG-20171006-WA0023

IMG-20171006-WA0022

IMG-20171006-WA0020

IMG-20171006-WA0019

IMG-20171006-WA0018

IMG-20171006-WA0017

IMG-20171006-WA0016

IMG-20171006-WA0015

IMG-20171006-WA0013

IMG-20171006-WA0014

IMG-20171006-WA0011

IMG-20171006-WA0010

IMG-20171006-WA0013

IMG-20171006-WA0010

IMG-20171006-WA0008

Puntlandes.com

About The Author