Safiirkii Mareykanka u fadhiyey Soomaaliya Stephen Schwartz oo is casilay

06 Okt 2017 (Puntlandes) Safiirkii Maraykanka u fadhiyey Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa is casilayo, sida ay xaqiijisay Safaaradda Mareykanka.

32a8

Warar lagu baahiyey Twitterka ayaa lagu sheegay nuu is casilay Mr Schwartz, iyadoo lagu sababeeyey is casilaadiisa mid shaqsiyadeed.

Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa u xaqiijiyay VOA-da is casilaadda safiirka, isagoo sheegay in iscasilaadiisa la soo gaarsiiyay laba maalmood ka hor.

Safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa waxa ay si gaar ah uga caawisaa dowlada Soomaaliya dhismaha ciidamada iyo maalgelinta dhismaha dowlad goboleedyada dalka.

Iscasilaada safiirka Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa ku soo beegantay xilli khilaaf aad u xooganuu ka dhex jiro DFS iyo dawlad goboleedyada dalka, lama oga inay saameyn ku leedahay is casilaadiisa khilaafkaan.

Stephen Schwartz ayaa ahaa safiirkii u horeeyey ee loo soo magacaabo mudo ku Rubac Qarni , waxaana xilka loo dhaariyey bartamihii sanadkii hore ee 2016 isagoo xilkaas hayey mudo sanad ku dhow oo kaliya.

Puntlandes.com

About The Author