Dawlad Goboledyada oo qaadacay Shirka Dastuurka ee ay DFS qorshaysay

07 Okt 2017 (Puntlandes) Dawlad Goboleedyada dalka ee ka jira ayaa qaadacay ka qayb galka Shirka dib u eegida Dastuurka looga hadlaayo ee ay DFS ku dhawaaqday inuu Muqdisho ku qabsoomayo maalinta berri ah.

32a9

Dawlad Goboleedyada dalka ee ah Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland ayaa diiday inay ka qeyb galaan shirkaas, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa.

Waa markii u horaysay oo ay Dawlad Gobpleedyada dalka ee ay qaateen go’aano isku mid ah, in aysan ka qeyb galin shirkan, oo diyaar garowgiisa maalmahan laga dareemayay Muqdisho.

C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka ayaa sheegay in shirweynaha Qaran ee Dastuurka uu furmi doono qaxadda oo bishu tahay 8-da, isagoo ku beegan maalinta berri oo Axad ah.

Arrintan ayaa waxay sare u qaadeysaa khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo hada galaya waji cusub.

Sidoo kale waxaa jira shir gaar ah oo maamul goboleedyada ay ku yeelanayaan magaalada Kismaayo, kaasoo ay ka maqan tahay dowladda Federaalka.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday kulamo wadatashi ah oo ay uga hadleyso arrimaha dib u eegista Dastuurka.

Puntlandes.com

 

About The Author