Daawo Hees ka tarjumaysa Mashaariicda horumarineed ee Puntland

13 oktoober 2017 (Puntlandes) Tan iyo intii uu Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas hantiyey madaxtinimada Puntland, waxaa Hiinso oo Haruubka keen ahaa mashaariic qiimo wayn ugu fadhiday ummadda reer Puntland.

17b6

Daawo muuqaal halka ay marayso dhismaha wadada Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo

Mashaariicda waawayn oo socda ama dhamaaday intii uu xilka hayey Dr Gaas

  • Dhismaha Wadada Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo
    Dhismaha Wadada Garowe iyo Gaalkacyo
  • Dhismaha Wadada Garowe iyo Eyl (bilaabanaysa)
  • Dhisme Buundooyin
  • Dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Bosaso (Dhamaystirmay)
  • Dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Garowe (Gabogabo)
  • Dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo (bilaabanaysa)
  • Dhismaha balaarinta iyo casriyeyta dekedda Bosaso
  • Dhismaha Ceelal Biyood oo aad u tiro badan
  • Dhismaha goobo aad u badan oo ay dawladu ku shawqayso
  • Dhismaha Iskuulo waxbarasho aad u badan
  • iyo kuwo kale

Warbaahinta Puntlandes waxay akhristayaasheeda usoo gudbinaysaa Hees ka tarjumaysa Horumarka Puntland ee magaceedu yahay ”Puntland ha isku tashato” ee uu sameeyey Abwaan Bashir Cabdi Jaamac (Shiish), uuna qaadayo Fanaanka caanka ah ee Bashiir Maxamed Abshir (Bashiir Nagaara)Muusikada waa Abdiwahab canter Naji iyo duubistii Liibaan studio.

Maanta Puntland waa u maalin horumarineed.

Puntlandes.com

About The Author