Sawirro: Guddoonka cusub ee waxbarashada gobolka Mudug & degmada Gaalkacyo oo xilalkii la wareegay

13 Okt 2017 (Puntlandes) Guddoonka cusub ee warbarashada Gobolka Mudug iyo degmada Gaalkacyo ayaa xililakoodii la wareegay, iyagoo ilalka kula wareegeen munaasabad balaaran oo ka dhacday dugsiga sare  Cumar Samatar ee magaalada Gaalkacyo.
Munaasabadda ay xilalka kula wareegeen Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Axmed Huruuse Xaashi iyo Gudoomiyaha Degmada Waxbarashada Gaalkacyo Cali Cabdisahal Xaaji Xirsi ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiirka deegaanka Puntland, maamulka gobolka, kan degmada, aqoonyahano, madax dhaqameed, macalimiin iyo maamulaayasha iskuulaadka.
Daawo sawirrada
 






 Puntlandes.com

 

About The Author