BREAKING NEWS: Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

14 oktoober 2017 (Puntlandes) Qarax xooggan oo aad looga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga wadada aadka u mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama.

32c3

Qaraxan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa gil gilay magaalada Muqdisho oo dhan isagoo ahaa mid aad u xoog badan, waxaana uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Zoobe.

Halka uu qaraxa ka dhacay ayaa ah meel aad u mashquul ah oo ay ku dhow yihiin goobo ganacsi iyo hotelo.

Waxaa sidoo kale qaraxa kadib la maqlayaa rasaas xoogan oo ka dhaceysa halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana wararka qaar sheegayaan in Hotel kuyaala Zope qaraxa lagu weeraray.

Puntlandes.com

About The Author