Dhagayso: Wararkii u dambeeyey ee Qaraxii Muqdisho

14 oktoober 2017 (Puntlandes) Qarax weyn oo gilgilay magaalada Muqdisho oo dhan ayaa ka dhacay Isgoyska Zoobe ee KM5 halkaasoo ay ku yaallaan goobo ganacsi iyo Hotelo.

32c3b

Baabuur wayn oo nooca loo yaqaan TM ayaa waxaa loo adeegsaday Qaraxa, waxaana burburay dhamaan Hoteladii Isgoyska Zoobe kasoo horjeeday sida Hotel Safari, Amiira iyo daartii waynayd ee Zoobe. Waxaa kaloo Gubtay baabuur badan oo markaas ku sugnaa isgayska.

Dhismayaasha Ganacsiga ee ku dhawaa Isgayska waxaa soo gaaray Burbur waxaana ku dhex jira dad ay ku dumeen.

Warar hordhaca ayaa sheegayo in qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan shan ruux, halka uu jiro dhaawac badan.

Qaraxa oo xooganaa iyo goobta uu ka dhacay oo ah meel dad badan ayaa waxaa la saadaalinayaa inay ka dhalan doono dhimasho iyo dhaawac badan.

Dhagayso warbixin ay VOA ka diyaarisay


Puntlandes.com

About The Author