Dhagayso-Daawo: Camay oo si yaab leh uga hadlay kulankiisii Fahad Yasin ii Garoonka Muqdisho

14 oktoober 2017 (Puntlandes) Madaxweyne ku xigeeka Puntland Inj Cabdi Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay oo maanta dib ugu laabtay Caasimada Puntland ee Garowe, ayaa beeniyay XOG ay qortay Warbaahinta Puntland, halkan ka akhriso.

31e5a

Warkaas oo ahaa inuu la kulmay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit.
Daawo shirkii jaraaid ee Camay

Camay ayaa yiri ”Waxyaabo badan ayay Warbaahintu sheegaysay, waxaan cadaynayaa cid aan kula kulmay meesha la yiraahdo garoonka Xamar sii socod iyo soo socod midna inayan jirin, lacag la isiiyay oo dawlada aan uga baahnahay inaysan jirin, laakiin ragga (Payrolka)-ka dawlada ku jira ee burushka xaaraanta ah wata waxaan leeyahay War Ummadda u tura idinkuna isu tura, iyadoo aan idiin cadaynayo innaan cidna fasax uga qaadanayn innaan arko hadana cidna ma arag”

Dhanka kale, mar uu ka hadlayay shirkii Kismaayo, ayaa wuxuu sheegay inuu cadeeyay mawqifkiisa shirka, isla markaana natiijada kaso baxday ay tahay mid u taala Ummadda Soomaaliyeed, isagoo iska fogeeyey inuu yahay Madaxweyne ku xigeeka Puntland iskana dhigay mas’uul Soomaaliyeed.

Hadalka Camay ayaa u dhacayay inuusan ku faraxsanayn Natiijada kaso baxday shirka Kismaayo, taasoo ah mid uu soo saxiixay madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo awood dastuuri ah u leh halka uusan lahayn kuxigeenku.

Camay ayaa intii uu maqnaa sheegay inuu ka hadli doona marka uu waxa kasoo baxa shirka arko inuu soo dhawaynayo ama kasoo horjeesanayo, waxaana muuqata inuusan taageersanayn.

Dhagayso Camay


Puntlandes.com

About The Author