Yaa waqtiga u kordhiyey Guddigii loo saaray baaritaanka Kiiskii Qalbi-Dhagax? Maxayse tahay sababta ay warbixin usoo gudbin waayeen?

19 Okt 2017 (Puntlandes) 18-kii bishii September ayaa waxaa gudoonka Golaha Shacabka u saareen Guddi sargaalkii ONLF ta ahaa Cabdikariin Qalbi-Dhagax ee ay DFS u dhiibtay dawlada Itoobiya.

27e5

Gudiga ayaa loo qabtay inay 10kii bishan Okt Golaha u soo gudbiyaan Warbixin ay kasoo diyaariyeen baaritaan ay ku sameeyeen kiiska, taasoo noqotay mid aan dhicin ilaa iminka.

Giddiga ayaa waxaa ku adkaatay go’aankii ay kasoo saari lahaayeen Arinta Qalbi-Dhagax, iyagoo garan la meel meel ay u djhaqaajiyaan iyo dawlada oo doonaysa inaan waxba kasoo bixin oo meeshaas lagu hakiyo arintaas.

Dawlada laftigeeduna waxay ka qabtaa shaki wayn iyadoo ogsoon in kiiska Qalbi-Dhagax galaafan karo, waana taas sababta ay u doonayso inaan waxba kasoo bixin.

Guddiga  ayaa waxaa muddo kordhin bil ah u sameeyeen Guddiga Joogtada ah ee golaha Shacabka, iyadoo gudoonku ay ka warwareegeen in loosoo gudbiyo Golaha Shacabka.

Baaritaanka Kiiskan ayaa kala ah dhiibistii Qalbi-Dhagax iyo qaraarkii ay Xukuumadda gaaraty 6-dii bishii September iyo in wax laga weydiiyo hey’adaha ay quseyso arrintan.

Xukuumadda ayaa la saadaalinayaa inay sidaas uga shaqayso inaan Guddigu warbixin u gudbin Golaha Shacabka, si ay isku badbaadiso.

Puntlandes.com

About The Author