Akhriso Madaxweyne Farmaajo oo isugu yeeray Labada Aqal ee Barlamanka 21ka Oktoober

19 Okt 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya muddane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qoraal uu u diray Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo kaga codsanaday inay u qabtaan kulan Labada Aqal maalinta Sabtida oo ku beegan 21ka Oktoober.

27-b4

Maalinta uu Madaxweyne Farmaajo isigu yeeray labada Aqal ayaa ku beegan 48 guuradii kasoo wareegtay markii uu Afgambi Milateri ku qabsaday dalka Kaligii Taliyihii Maxamed Siyaad Barre oo ahayd 21kii Oktoober 1969kii, oo ay qaraabo yihiin madxaweynha.

33b6

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu jeediyo khudbad dheer oo uu uga hadlayo fadaraal diidnimo, wuxuuna sheegi doonaa in dhalinyadu dalka u xoreeyaan.

Waxaa dad badan oo ay Warbaahinta Puntlandes la hadashay ay iswaydiinayaan waxa uu ugu aadiyey madaxweyne Farmaajo Fadaraal diidmadiisa maalintii uu Xukunka dalka Soomaaliya Qori Caaradiis kula wareegay Kaligiis Taliyihii Maxamed Siyaad, isagoo Soomaaliya xukumay 21 sano kadibna ay Burburtay.

Hoos ka akhriso qoraalka madaxweyne Farmaajo

33b5

Puntlandes.com

About The Author