Gaadiidka xamuulka ee Dekeda Muqdisho ka shaqeeya oo la hakiyay

17 oktoober 2017 (Puntlandes) Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa soo saartay amar lagu hakinayo gaadiidka xamuulka ee ka shaqeeya Dekeda Muqdisho inay dibadda u baxaan, inta uu socdo gurmadka lagu samata bixinayo dadkii ku dhaawacmay qaraxii waxashnimada ahaa ee ka dhacay Sabtidii Isgoyska Zoobe.

32f9b

Maryan Aweys Jaamac ayaa sheegtay in amarkan lagu hakinayo gaadiidka xamuulka ka qaada Dekeda weyn ee Muqdisho ay tahay, in aanay mashquul ka dhigin waddooyinka, isla markaana ay sii socdaan howlaha gurmadka.

“Waxaa hakinay gaadiidka waa weyn ee Dekeda Muqdisho xamuulka ka qaaday, si aanay u dhicin mashquul ku yimaada waddooyinka, inta ay socdaan howlaha gurmadka”ayay tiri Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Sidoo kale waxaa socda qorshayaal lagu mamnuucay gaadiidka xamuulka inay maalintii isticmaalaan waddooyinka Muqdisho, maadaama mashquul u yahay, taas bedelkeed ay isticmaali doonaan habeenkii.

Qaraxii dadka faraha badan ku dhamaadeen Sabtidii ayaa loo adeegsaday gaari xamuul ah oo nooca TM-ka ahaa, waxaana uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ay ku dhintaan dad ka badan labo boqol oo ruux.

Puntlandes.com

About The Author