Akhriso Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo War murtiyeed kulul soo saaray xaaladda dalka

21 Okt 2017 (Puntlandes) War murtiyeed ka soo baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo ay ku mideysan shanta Madaxweyne dowlad goboleed ayaa waxaa looga hadlay xaalada guud ee dalku ku sugan yahay iyo Siyaasadda DFS ee ku wajahayn burburinta Fadaraalka.

3-8

War murtiyeedka oo ka koobnaa 8 qodob ayaa ugu horeyn looga tacsiyadeeyay umadda Soomaaliyed qaraxii ay dadka badan ku dhinteen 14-kii bishan, sidoo kale waxaa mahad celin balaaran loogu jeediyay umadda Soomaaliyeed, hey’adaha iyo dalalka ka qeyb qaatay gurmadka qaran ee loo fidinayo dadka ku waxyeeloobay qaraxaas.

War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda ay ka mashquulsan tahay arrimihii Amniga, isla markaana ay xoogga saareyso siyaasado dadka iyo dalka sii kala fogeynayo.

Golaha ayaa walaac xoogan ka muujiyay in qorshaha Xukuumadda Soomaaliya ay miisaaniyadii amniga iyo tii dowlad goboleedyada loogu tala galay  ay u leexisay arrimo siyaasadeed, iyadoo ku abaabulaysa Qabaa’ilada iyo Xildhibaanada si ay uga horkeento madaxda Dowlad Goboleedyada.

War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in hanaanka Faderaalka Soomaaliya ay soo wajahday qatar dhab ah oo keeni karta degenaansho la’aan siyaasadeed, taasoo ay wado Xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa kaloo ay ka digeen faragelinta Xukuumaddu ku heyso dowlad goboleedyada, isla markaana ay wado qorshe la doonayo in xilka looga tuuro Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Hoose ka akhriso War murtiyeedka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada

34a3

Puntlandes.com

About The Author