Boqorka Sacuudiga oo Madaxweyne Faraamjo ugu hambalyeeyey 21ka Oktoober

21 Okt 2017 (Puntlandes) Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis ayaa waxa uu Madaxweynaha JFS Maxamed Cabulaahi Farmaajo u soo diray Dhambaal Hambalyo oo ku la xiriirta Munaasabadda Maalinta  Oct. 21ka Oktoober.

33b6

Sidoo kale, Dhaxal-sugaha Boqortooyada, ahna Ra’isul-wasaare-xigeenka iyo Wasiirka Difaaca ee Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan  Bin C/casiis waxa uu isagana Khadka Telefoonka kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo oo uu ugu hambalyeeyey Munaasabadda Maalinta Qaranimadda Somalia ee 21ka Oktoober.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa baahisay Dhambaallada ay Madaxda dalkaasi u soo direeen Madaxweynaha DFS Maxamed Cabulaahi Farmaajo, waxayna Boqorka iyo Wiilkiisa  u rajeeyeen Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed inay ku waaraan horumar iyo Barwaaqo.

21ka Oktoober ayaa ku beegan sanad guuradii 48aad ee kasoo wareegtay markii dalka Soomaaliya Afgambi Milatari ku qabsaday Maxamed Siyaad Barre, umana ahan Soomaaliya maalin Qaran.

Puntlandes.com

About The Author