MAXAA KU KALIFAY MADAXWEYNAHA INUU KA NOQDO CODSIGIISII KULLANKA LABADA GOLLE?

21 Okt 2017 (Puntlandes) Waxaa muuqata inuusan madaxweynuhu ka fiirsan markii hore codsiga kullanka uu u gudbinayey labada Gole, ayna ka tan badisay xamaasaddii iyo shacabkii banaanbaxayey. Hanaanka uu umaray Madaxweynuhu codsigiisa ayaa kasoo horjeeda sida uu dhigayo dastuurka dalku.

27-b4

Sida dastuurku qabo Madaxweynuhu hadduu damco inuu xaalad dag dag ah dalka kusoo rogo, ugu horayn waa inuu codsigiisa u gudbiyaa goloha wasiirada,  markaa kaddib haddii golohu ku raaco waxay usoo gudbinayaan labada Gole ee Baarlamaanka inay kasoo doodaan muddo 21 casho dugahood ah, taasna ay ka dhalato inay ansixiyaan iyo inay diidaan midkood. (eeg dastuurka qodobkiisa 131).

 

Madaxweynuhu wuxuu damcay inuu si toos ah codsigiisa xaaladda dagdagga ah ugu soo gudbiyo labada Gole, taasna waxaa cadaynaysa warqaddii codsigu ku qornaa oo lagu xusay qodobka (90aad xarafka a) ee dastuurka kaas oo Madaxweynaha awood usiinaya inuu ku dhawaaqi karo xaalad dagdag ah iyo xaalad dagaal.

 

Waxaa kale oo walwal aad u xoogan ka muujiyey in dalka la galiyo xaalad dag dag ah xildhibaanda labada Golle iyo Dawlad Goboleedyada dalka.

 

Dhamaan markii la isku daro culaysyadaas Madaxweynuhu wuxuu ka tanaasulay codsigiisii, isagoo garowsaday inay adag tahay uuna ku deg degay.

Si kastaba ahaaatee ma la oran karaa xafiiska Madaxweynuhu malaha qof u qaabilsan inuu kala taliyo Madaxweynaha dhanka qaanuunka iyo sharciyada dalka u dagsan, mise waxaa jooga dad aan u qummin  howsha loo igmaday??.

Akhriso Qodoka 131aad ee dastuurka Soomaaliya

34a2

Puntlandes.com

About The Author