Dhagayso: Abdi Warsame oo dib loo doortay & Jacob Frey oo mayor-ka Minneapolis loo doortay

09 Nov 2017 (Puntlandes) Doorashooyinka dowladaha hoose ee laga qabtay gobolo badan oo Mareykanka ah ayaa sadex ka mid ah sagaal qof oo Somali ah oo ka tartamayay gobolka Minnesotta ay ku soo baxeen kuraastii ay u ordayeen.

18b1

Dadka guuleystay waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Degmada 6aad Cabdi Warsame oo xubin ka ahaa golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis, isagoo helay in ka badan 50 boqolkiiba, musharixii isaga la baratamayay oo isna Soomaali ah Mohamud Noor, ayaa helay 47 boqolkiiba.

Dhanka kale Jacob Frey ayaa isna ka guulaystay Betsy Hodges oo ahayd mayor-kii magaalada Minneapolis, isagoo loo doortay mayor-ka cusub ee Minneapolis.

Dhagayso warbixin ay VOA ka diyaarisay


Puntlandes.com

About The Author