Xaggee ku ogayd Gudoomiyihii Gobolka Mudug? OO Mee?

Gaalkacyo (Pes) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mohamed Yusuf Tigey oo ku caan baxay Facebook ga iyo Warbaahinta inuu ka dhexmuuqdo Shaqadiisana uba qaba sidaa ayaa hadda waxuu u Xuubsiibtay Amaanida Xeebta Liido ee magaalada Xamar. Gudoomiyaha oo ku caan ah inuu Facebook ga soo dhigo sawiro aan xad lahayn ayaa maalmahan wuxuu u badalay sawiradii uu soo dhigi jiray Facebook ga in uu ku xayaysiiyo Xamar iyo Xeebta Liido.

Gudoomiye Tigey ayaa Xamar gaaray sida uu soo dhigay bartiisa Facebooga 2 dii nov 2014 wuxuuna sheegay in uu u tagay arin u gaar ah oo uusan faahfaahin ka bixin waxa ay tahay.

Gudoomiye Tigey ayaa soo dhigay bartiisa Facebooga 18 kii nov 2014 wuxuuna u soo qoray sidatan ”Waxaan la Kulmay Raysal wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya” Tigey ma uusan sheegin ujeedada kulanka iyo waxa uu ku saabsanaa.

966

Gudoomiye Tigey wuxuu kaloo hadana soo dhigay bartiisa Facebooga 20 dii nov 2014 wuxuuna u soo qoray sidatan ”Jimce wanaagsan waxaanu caawa kulanay oo ku wada cawaynay xeebta liido amp maxamad cali ameriko oo aan meel kusoo wada barbaarnay ( ciyaalka xaafadda) waxaan wax badan ku qaadanay waqtiga waayo waayo iyo bari samaadkii waxaan ku garaad saday adeero cali ameriko cali xirsi janagale oo ahaa dad aad loo ixtirasmo oo si daggan oo xaraga leh usocda oo la yirashdo dibutaati ilaahow idiin naxariiso” Gudoomiyuhu wuxuu qaraalka ku muujinayaa sida uu ula dhacsan yahay kulanka…

961

Gudoomiye Tigey ayaa intaa kuma ekaane hadana soo dhigay bartiisa Facebooga 21 dii nov 2014 wuxuuna u soo qoray sidatan ”Waxaa muqdisho ka socda falal dilal qorshaysan oo la la beegsanayo saraakiisha wadaniga ah oo soomaalinimadu ku wayn tahay aqoon yahanka wadaniga ah oo ku hamiyaya inay dalka iyo dadka wax u qabtaan hadana waxaa muuqata rajo iyo iftiin aan la inkiri karin iyo mustaqbal soo ifaya kumanaan dhalinyaro ah oo soo daalay oo u ooman dawladnimo waxan maanta booqday garoonkii kubada cagta ee banaadir oo cayaar ka”

963 962

Inta badan shacabka Gobolka Mudug oo u baahan Isbedel, shaqo, Horumar iyo Cadaalad ayaa iswaydiinaya inay helaan madax u adeegta ayna la Xisaabtamaan. Gobolka Mudug uma baahna adeegayaal ku adeegta kuna fushada danahooda Gaarka ah. Waxaa la gaaray Xiligii Xisaabtanka, dooda iyo wax wadawadaaga.

 

Qoraal kale oo ka hadlaya Gobolka Mudug  ka akhriso hoos:

Mudug Maxaa ka reebay Faceed maxaase Isbedel u diiday

Xaggee ku ogayd Gudoomiyihii Gobolka Mudug? Waana maxay sababtu?

Daawo Video-Sawiro: Gobolka Mudug Isbedel buu u baahan yahay ee Nal uma baahna

Puntlandes.com

 

About The Author