Dhagayso: Dhibka ka haysta Shacabka G Hiiraan isticmaalka lacagta Telka la isugu shubo, kadib markii la diiday Sh So

29 Nov 2017 (Puntlandes) Deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay ka mid tahay xarunta gobolka ee magaalada Beledweyne ayaa markii ugu horreysay taariikhda waxaa la joojiyay isticmaalka lacagta Shilin Soomaaliga, iyadoo ganacsatadu ay diideen in wax looga iibsado kunka shilin oo ah lacagta kaliya ee ka hartay lacagta Soomaaliya.

33

Xarakada Al-Shabaab ayaa diiday in laga isticmaalo 1000 ka shilin ee Soomaaliga ah tuulooyinka ay maamulaan ee gobolka, iyagoo sabab uga dhigay inay diidan yihiin lacag laga keenay Punland, taasoo keentay in diidmadaasi ay u soo gudubto magaalooyinka waaweyn maadaama uu isku xiran yahay ganacsiga deegaanka.

Dadka deegaanku hadda waxay wax ku kala iibsadaan lacagta doolarka ee taleefanku la isugu diro, taasoo ay dhibaato weyn ka dhalatay.

Dhagayso warbixin ay BBC-da ee Muqdisho ka diyaarisay


Puntlandes.com

About The Author