Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland oo garab istaagay Dhalinyarada isxilqamayaasha Qardho.

29 Nov 2017 (Puntlandes) Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland Aweys Axmed Sardheereye oo maalmahan socdaal shoqo ku marayay Gobalada Puntland ayaa maanta Dhalinyarada Isxilqaamayaasha “Hormuud baan nahay” ee Degmada Qardho kala qayb qaatey Ol’ole nadaafeed oo isku jiray Qashin uruurin,Gubis iyo xaaqida wadooyinka .
Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland Mudane Sardheeye ayaa dhalinyarada isxilqaamayaasha u balan-qaaday in uu sii labo jibaaridoono taageerada uu maalin iyo habeen’ba u la garab taaganahay,isagoona ku booriyay in  si wada jir ah lo wada shaqeeyo
sidoo kale,Gudoomiyaha Dhalinyarada ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatey Bahda Ciyaaraha iyo Saxaafada oo labaduba u badan Dad dhalinyara ah,waxaana uu kala hadlay sidii ay qayb uga ahaan lahaayen isbadalada hormarineed ee dalka ka socda. ” Anigu waxaan ahaan jiray Ciyaaryahay si fiican ayaan u aqaana baahidiina,Saxaafaduna waa IndhihiI Bulshada inaan idintaageero Xaq ayaad u leedin”,ayuu yiri Gudoomiye Aweys
Dhinaca kale,Gudoomiyaha dhalinyarada Puntland ayaa kulmy Dhalinyaro Aqooyahan ah,kuwaaso doonay in sanadka 2019 ka qayb galaan sidaasada Puntland,waxaana intooda badan ay baadi-goob ugu jiraan ku so bixida Xubnaha Baarlmaanka Puntland.
Ugu Danabayntii,Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland Mudane Sardheeye ayaa kulamo la qaatey Maamulka Degmada Qardho,Kan Gobalka iyo Hogaanka dhalinyarada Gobalka Karkaar,waxaana ay isku afgarteen in la taageero Dhalinyarada isxilqaamayaasha ah,kuwa ciyaaraha iyo Saxaafada oo ku tilmaamay inay yihiin iftiin u so baxay Ummadda Soomaliyeed.

Daawo sawirradda
IMG_9400

IMG_1620

IMG_1583

IMG_1550

IMG_1545

IMG_1535

IMG_1530

IMG_1522

IMG_1521

IMG_1517

IMG_1482

IMG_1480

IMG_1468

IMG_1463

IMG_1443

IMG_1439

aways
Xafiiska gudoomiyha Dhalinyrda Puntlnd

Aways Ahmed Sardheye

Puntlandes.com

About The Author