Daawo sawirrada Galmudug & Ahlusunna oo ku heshiiyay Jabuuti

01 Dec 2017 (Puntlandes) Wada hadalada u dhaxeeya Ahlusuna iyo Galmudug ee ka socda Jabuuti ayaa heer gabogabo ah maraya, iyadoo inta badan la isla meel dhigay qodobada labada dhinac ka wada hadleen, iyagoo si wada jir ah xalay u xusay dhalashada Nabigeenna Muxamad (NNKH).

Shirka oo galay todobaad ayaa ugu horeyn ku bilowday siminaar looga hadlayay xalinta khilaafaadka oo ay soo qaban qaabisay Urur Goboleedka IGAD, iyadoo siminaarka kaddib la guda galay wada hadaladii tooska ahaa ee labada maamul ee Galmudug iyo Ahlusuna.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa muujiyay isu soo dhowaansho, waxaana wada hadaladii u dambeeyay ee ay yeesheen uu ahaa mid aan loo dhaxeyn oo ay keligood ka wada arrinsadeen xaaladaha jira

Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame oo ka mid ah mudanayaasha Goloha Shacabka ee shirka ka qeyb qaatay ayaa tilmaamtay in aad ugu faraxsantahay hanaanka uu u socda shirka.

Labada dhinac ayaa la sheegay inay isku afgarteen qodobo ka mid ah awood qeybsiga, balse ay jiraan qodobo aan weli la isku afgaran oo xalintooda ay noqotay in Muqdisho lagu dhameeyo, isla markaana lala wadaago Madaxda dowladda Federaalka.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa isku raacay in waxkasta ay ku dhameeyaan wada hadal ka hor inta aysan ku soo laaban dalka, waxaana la filayaa in shirka uu sidoo kale ka soo qeyb galo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

1a

2

3

4

5
Puntlandes.com

About The Author