Sawirro: Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray maanta Muqdisho

02 Dec 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka koobna labada gole ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradah Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee DFS.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka shirka Amniga Qaranka oo dhawaan ka dhici doona Caasimada.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in amaanka wadanku uu aad uga wanaagsan yahay sidii uu ahaa Sanado kahor isla markana ay rajo wanaagsan ka qabaan in la gaaro isku filnaansho dhinaca amniga ah.

Ciidamada Soomaaliya ayuu Madaxweynahu sheegay in duruufo adag ay ku shaqaynayaan taas oo jirtana ay wax badan oo juhdi ah galiyeen nabadgalyada wadanka.

Madaxweynahu wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka ay kasoo baxaan go’aamo horay usii dhaqaajiya rajada laga qabo  in Soomaaliya ay amaankeeda hanato isla markana la isku duba rido Ciidamada Qaranka.
14

14a

14a1

14a2

14a3

14a4
Puntlandes.com

About The Author