Sawirro: Guddoomiyaha Aqalka Sare oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Muqdisho

????????????????????????????????????

03 Dec 2017 (Puntlandes) Guddoomiyaha Aqalka Sare oo safar caafimaad ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, waxaana Garoonka Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Xildhibaanda labada Gole ee Baarlamaanka JF Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenka koowad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari, Guddoomiya ku xigeenka labaad ee Aqalka sare Mowliid Xuseen Guhaad.

Cabdi Xaashi Cabdullahi Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa sheegay in xaaladisa caafimad ay wanaagsantahy  isbitaalada dalka Turkigana uu ku booqday qaar ka mid ah dadkii ay dhaawacyada ka soo gaaren xasuuqii Isgoyska Soobe ka dhacay 14kii October, isagoo xusay in xaaladooda caafimaad ay wanaagsantahay.

“Waxaan  u mahadcelinaya safaaradda  dowladda an walalaha nahay ee Turkiga oo gacan ka geysatay  xaaladeyda caafimaad iyo Xildhibaanda labada aqal ee igu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho “ayuu yiri  Cabdi Xaashi Cabdullahi Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author