War deg dega: Beesha Cumar Maxamuud oo soo saartay Baaq deg dega oo ku saabsan Xariga Dhuubane

Waxaa shir deg dega oo telefon Konferens ah isugu yimid Jaaliyada Beesha Cumar Maxamuud ee Yurub iyagoo kaga arinsanayey Xarigii sharcidarada ahaa ee Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ay ku Xirtay 25 kii nov 2014 Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Cabdirashiid Cali Xaashi “Dhuubane”

Waxgaradka, aqoonyahanka , Culimaa’udiinka, haweenka iyo Dhalinyarada Beesha Cumar Maxamuud ee Yurub waxay si isku mid ah u Cambaareeyeen Xarigaas ay Xukuumada Puntland ku Xirtay sida Sharcidarada ah Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Mudug Cabdirashiid Cali Xaashi “Dhuubane” waxayna ugu baaqeen Xukuumada uu Hogaamiyo Dr Gaas in ay Dhuubane Xoroyadiisa si sharuud la’aan ah ugu soo celiso.

Waxay isku wadaraaceen dhamaan ka qaybgalayaasha shirka in uu Cabdirashiid Cali Xaashi “Dhuubane” yahay nin dalka xaq ku leh una soo Halgamay aana mudnayn in ay sidaas ula dhaqanto Xukuumada úu hogaamiyaa madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Waxay kaloo hoosta ka xariiqeen ka qaybgalayaashu in ay tahay sharci daro aana la qaadan karin in qof arigtidiis loogu xiro.

Ugu Dambay Beeshu Cumar Maxamuud waxay u soo gashay Halgan dheer oo dhiig badan uga daatay in ay helaan Xoriyatu qowl sidaas la adligeed aysan marna Qaadan karin in qof loo xiro Aragtidiis

Jaaliyada Beesha Cumar maxamuud ee Yurub

Abshir Cabdi

Daabacaada: Puntlandes.com

 

About The Author