Sawirro: Degmada Eyl oo lagu soo dhaweeyey khuburo ka socota Shirkada dhisaysa Jidka Eyl-Garowe oo Dhawaan la bilaabi doono

12  Dec 2017 (Puntlandes) Waxaa Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal si heer sare ah loogu soo dhaweeyey khuburo ka socota Shirkada dhisaysa Jidka Eyl-Garowe, taasoo Dhawaan la bilaabi doono dhismaheedu.

Dhismaha waddada Laami ah ee isku xiri doonta Degmada Taariikhiga ah ee Eyl iyo Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa waxaa hirgalinaysa Shirkad laga leeyahay Dalka china oo lagu magacaabo CCECC, taasoo ay Dawladda Puntland heshiis kula gashay inay dhisto wadadaas iyo Garoon Caalami ah oo ay yeelan doono magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

dawladda uu madaxweynaha ka yahay Dr Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa Puntland ka hirgesay Mashaariic aad u badan oo ay u aayi doonaan Jiilasha soo socda ee Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaliyeed iyo Geeska Afrika.

Mashaariicdaas ayaa kala ah Garoomo Diyaaradeed oo Caalami ah, Wadooyin Laami, Dekedo, Ceelal Biyood oo aad u fara badan iya kuwa kale.

Daawo sawirrada
42b

42b1

42b2

42b3

42b4

42b5

42b6
Puntlandes.com

About The Author