Dhagayso: Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo booqday Xerada 54aad ee Taliska Xooga Soomaaliya Qaybtiisa Puntland (Sawirro)

12  Dec 2017 (Puntlandes) Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi wali  Jaamac Warsame Gorod iyo Saraakiil uu horkacayo oo shalay Booqasho ku tagay Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa maanta booqday Xerada 54aad oo xarun u ah Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed qaybtiisa Puntland.

23

Wafdiga Taliyaha ayaa waxay soo indha indheeyeen qeybaha ay Xeradaasi ka kooban tahay iyo xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga dalka ee Xerada 54aad  ku jirta.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Ciidamadii uu booqday, ayaa kula dardaarmay  inay daacad u noqdaan shaqada Qaranka ay u hayaan, ayna la yimaadaan hab dhaqan wanaagsan, isagoo xusay in Ciidamadii uu booqday ay qeyb ka yihiin Barnaamijka isku dhafka Ciidamada qaranka oo dowladda Soomaaliya ay wado.

Dhagayso Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed


Daawo sawirrada
42e

42e1

42e2

42e3

42e4

42e5

42e6

42e7

42e8
Puntlandes.com

About The Author