Dhagayso: Xeer Ilaaliyaha oo dacwad Qaran Dumis ah ku soo oogay Labo Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka

17 Dec  2017 (Puntlandes) Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dacwad ku soo oogay labo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka, kuwaasoo lagu eedeeyay inay galeen fal dambiyeed.

44a2

Dr. Axmed Cali Daahir ayaa faray Hey’addaha sharci fuliyeyaasha, sida Booliska iyo hoggaanka Baarista dambiyaya in wixii maanta ka dambeeya ay waajibaadkooda gutaan.

Waxaa uu sheegay in Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo Baarlamaanka ay u gudbiyeen qoraal cadeynaya labo Xildhibaan oo galay fal dambiyeedyo waa weyn, sida abaabul iyo sharci darro qaran dumis, isla markaana cadeymahooda oo dhameystiran la haayo

Dr. Axmed Cali Dahir ayaa dalbaday in Xildhibaanada kala ah Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Dhuuriye laga qaado xasaanada, si loo horgeeyo sharciga.

“Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdi Saabir Nuur Shuuriye waxay galeen dambiyo qaran dumis, waa in xasaanada laga qaadaa, baaris dheer kaddib waxaa ku cadaatay dowlad dumis iyo inay dhaqaale ka soo qaateen dowlado shisheeye”ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Waxaa xusid mudan in arintan lagu soo beegay iyadoo shalay la xiray Kalfadhigii Golaha Shacabka.

Dhagayso shirkii jaraa’id ee xeer Ilaaliyaha Qaranka

Puntlandes.com

About The Author