Wararkii ugu dambeeyay ee Muqdisho & kulamo siyaasadeed oo socda Muqdisho

18 Dec 2017 (Puntlandes) Xaalado kacsan oo siyaasadeed ayaa maanta ka taagan magaalada Muqdisho kaddib markii Ciidamada NISA ay xalay weerareen Guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kadibna ay xireen, iyadoo intii howlgalkaas socday uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

shakuur

Tallaabada lagu xiray siyaasiga iyo weerarka habeen madow lagu qaaday gurigiisa ayaa durba ka dhashay fal celino kala duwan iyo abaabul siyaasadeed oo mar kaliya laga dareemay magaalada.

Muqdisho ayaa waxaa socda kulamo kala duwan oo dowladda dhexdeeda iyo kuwa ay leeyihiin siyaasiyiinta.

Wararka aanu ka heleyno Hotelka Saxafi ayaa sheegaya in xilligan uu kulan u socdo siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ku abtirsada Beesha Siyaasiga, waxaana gogoshan la sheegay inay dhigeen Xildhibaano ka carooday falkii xariga ahaa ee siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Kulankan oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaa looga hadlayaa arrintii xalay dhacday, waxaana lagu wadaa in laga soo saaro war saxaafadeed.

Sidoo kale kulan kale oo ay leeyihiin Odayaasha dhaqanka ee mid ka mid ah Beelahaad ayaa ka socda Hotelka Diblomatic, waxaana kulankan uu qeyb ka yahay kulamada siyaasadeed ee ka dhashay dhacdadii xalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa saakay xiray waddooyin dhowr ah, iyadoo ciidamo la dhigay, waxaana xiritaanka waddooyinka lagu sababeeyay xaqiijinta ammaanka, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya dibad baxyo jiraan.

Dadka reer Muqdisho ayaa waxaa u taagan dhegaha, iyadoo xaalad walba isha lagu haayo, waxaana baraha bulshada hareeyay qoraalo lid isku ah oo looga hadlayo dhacdadii xalay lagu xiray siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Puntlandes.com

About The Author