Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaano oo kulan degdeg ah ka yeeshay hadalkii Xeer Ilaaliyaha

17 Dec  2017 (Puntlandes) Waxaa goor dhow xarunta Villa Hargeysa ku soo dhamaaday kulan deg deg ah oo ay lahaayeen Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaano gaarayay lixdameeyo, kulankan ayaa looga hadlayay hadalkii ka soo yeeray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir, kaasoo labo ka mid ah Xildhibaanada uu ku eedeeyay qaran dumis, isla markaana Guddoonka ugu baaqay inay xasaanada ka qaadaan.

17

Kulanka oo ahaa mid albaabada u xirnaa, ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada ka hadlay waxay dareen ka muujiyeen hadalka Xeer Ilaaliyaha, iyagoo sheegay inay aheyd mid xadgudub ah iyo weerar lagu soo qaaday Baarlamaanka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa sheegay in hadalka xeer Ilaaliyaha uu gef ku ahaa Xildhibaanada, isla markaana ay doonayan inay kala xisaabtamaan, waxaana ay soo jeediyeen in kalfadhiga Baarlamaanka dib loo furo.

Wararka ayaa sheegaya in maalinta berri lagu balamay in la isugu yimaado kulan kale, si xaalada soo korortay looga hadlo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in laga yaabo xaaladan soo korortay darteed uu Guddoonka Golaha shacabka u soo saaro war saxaafadeed ku aadan jawaabta Xeer Ilaaliyaha iyo dareenkii Xildhibaanada ka muujiyeen.

Xildhibaanada kulanka ka qeyb galay ayaa la sheegayaa inay qorsheynayaan mooshin ay ku dalbanayaan in dib loo furo kalfadhiga Baarlamaanka, iyadoo  xeer hoosaadka uu qabo 20% ama 55 Xildhibaan ay codsan karaan ama soo jeedin karaan in kalfadhiga dib loo furo.

Si kastaba ha ahaatee hadalkii ka soo yeeray Xeer Ilaaliyaha ee ahaa in Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin iyo Cabdi Saabir Nuur Shuure ay galeen fal dambiyeed qaran dumis ah ayaa durba dhaliyay xaalad siyaasadeed.

Puntlandes.com

About The Author