Dhagayso: Wasaaradda Gaashaandhiga oo Dhameystirtay Wajiga 1aad ee Qiimeynta Ciidanka

19 Dec  2017 (Puntlandes) Wasaaradda Gaashaandhigga ee DFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegtay in la dhammaystiray wejigii 1aad ee qiimaynta diyaarinta ciidanka Soomaalida.
19

Wasiirka ayaa sheegay in qiimaynta lagu ogaaday tirada ciidanka diiwaangashan oo uu sheegay inay dhan yihiin 26 kun, cududda ciidanka, hoggaankooda, saanadda iyo tababarrada.

Wasiirka ayaa sheegay in qiimayntan ay muujinayso in ciidanka badidiisi ay diyaar yihiin inkastoo uu qiray inay jiraan meelo ay guutooyinku tiro ahaan dhiman yihiin.

Dhagayso Wasaaradda Gaashaandhigga ee DFS oo waraysi siiyey idaacadda VOA


Puntlandes.com

About The Author