Madaxweynaha Puntland oo Digreeto Magacii Kaga Bedeley Wakaaladda Wararka Dawladda Puntland.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo magacii lagaga bedelay Xeer Madaxweyne Lr-151 December, 20, 2017 Wakaaladda Wararka dawladda Puntland.

IMG_8015

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Tala soo jeedinta Agaasimaha Guud ee Wakaaladda                                                          Wararka dawladda Puntland,

Wuxuu Xeeriyey:                                               

1. Waxaa magaca Wakaaladda Wararka dawladda Puntland loo bedelay Wakaaladda       Warbaahinta iyo Horumarinta Teknoolajiyadda dawladda Puntland.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay       Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

About The Author