Daawo Sawirrada Xuska sanad guuradii 74aad ee aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

20 Dec  2017 (Puntlandes) Akaadiimiyadda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye waxaa maanta ka dhacday munaasabad lagu xusayo sanad guuradii 74-aad ee ka soo wareegtay markii la as’aasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sanadkii 1943-dii.

R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayrre, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Hoggaanka iyo Saraakiisha Booliska, Taliska Ciidanka Xoogga dalka iyo danjireyaal ka socdey Beesha Caalamka ayaa ka qeyb galay munaasabaddan oo si weyn loo soo agaasimay.

Qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska ayaa dhoola tus ka sameeyay fagaaraha Akaadimayadda Booliska, halkaas oo ay ku soo bandhigeen xirfadooda, qalabkooda iyo qaybaha ay ka koobanyihiin.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Booliska ayaa ubax dhigay taallada Booliska ee ku dhex taalla akaadimayadda, taas oo lagu maamuusay saraakiishii iyo askartii ka geeriyooday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo halkaas hadal kooban ka jeediyey ayaa ugu hambalyeyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed maalintan qiimaha gaarka ah u leh dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in munaasabad weyn oo Madaxda Qaranku ay ka qeyb galayaan la qaban doono caawa oo Khamiis ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuiryadda Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” ayaa hambalyo u diray Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidanka Booliska.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed kaalinta ay ku leeyihiin horumarka Bulshada iyo amniga, wuxuuna sheegay inay yihiin Halyeeyo xaalado kala duwan oo dalka uu soo maray ku soo shaqeeyay una dhabar adaygay sidii shacabka ay u heli lahaayeen xasillooni iyo nabadgelyo.

Puntlandes.com

About The Author